Barcelona oo qorshe U Dagsatay sidii ay kuheli lahay Neymar

1693

Kooxda Barcelona ayay ka dhab tahay xiisaha ah in ay dib u soo celiso xiddiga Neymar kadib markii uu madaxweynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi Albaabka u furay in uu xiddigu isaga tago kooxda Barcelona xagaagan.

Neymar ayaa ogsoon in lagu soo dhawayn doono Barcelona sabab la xidhiidha in uu yahay xiddig ay doonayaan xiddigaha qolka Labiska kooxda Barcelona.

Cid walba waxa ay jeceshahay in uu xiddiga reer Brazil ku soo laabto Barcelona xagagan waxana sidaas ka war qaba madaxweynaha Kooxda ee Josep Maria Bartomeu.

Laakiin qiimaha xiddiga ayaa dhibaato ku noqon doona in uu ku soo laabto Barcelona inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Maamulka Barcelona ayaa si cad u sheegay in ayna u dhaqaaqi doonin saxiixa Neymar.

Madaxweynaha Kooxda ee Josep Maria Bartomeu ayaa si toos ah wakiilka Ousmane Dembele ugu sheegay in aan xiddiga la iibin doonin xagaagan waliba kooxdu ku tiirsanaan doonto xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay Le Parisien kooxda PSG ayaa Neymar ku qiimaysa lacag dha 300 milyan oo euro halka wado ee ay Barcelona ugu dhawaan karto qiimahaasna waa hadii ay xiddigo ku daraan heshiiska.

Ku fashilkii saxiixa Matthijs de Ligt ayaa u fiican Neymar maadama ay haatan jeebka ku hayso 70-kii milyan ee ay ugu tala galeen saxiixa daafaca.

Marka ay kooxdu iibiso xiddigo kale oo kooxda ah madaxweynaha Barcelona ee Bartomeu ayaa ka fikiraya saddex wado oo uu ugu dhaqaaqi karo saxiixa Neymar.

Midka 1-aad ayaa ah in ay Barcelona Neymar ku dalbato lacag dhan 100 milyan oo euro iyo laba xiddig oo ka mid ah Philippe Coutinho, Dembele, Ivan Rakitic Iyo Samuel Umtiti.

Hadii ay u dhaqaaqista De Ligt fashilanto Barcelona ayaa miiska saari Doonta lacag dhan 150 milyan oo euro iyo midkooda labada xiddiga ee Coutinho ama Dembele.

Dhibaatada kaliya ayaa ah in uuna Ernesto Valverde doonayn in uu lumiyo xiddiga Dembele sidaas darteed lama iibinayo.

Waxa qorshaha 3-aad ah in loo soo bandhigo saxiixa Malmco laakiin qiimihiisa ayaa aad ugu hooreeya inkasta oo uu doonayo in uu isaga tago kooxda.