Barcelona Oo si xun ugaraacday Villarreal+SAWIRRO

1896

Barcelona ayaa dib usoo noolaysay rajadeeda horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, waxaanay afar dhibcood kusoo koobtay dhibcaha ay Real Madrid hoggaanka ku hayso, kaddib markii ay 4-1 kaga adkaatay Villarreal.

Antoine Grizmann, Luis Suarez iyo Fati ayaa Barcelona kusoo celiyey tubta guusha kaddib laba ciyaarood oo ay barbarro soo galeen, waxaanay afar dhibcood ka dambeeyaan Real Madrid oo hoggaanka haysa.

Barcelona ayaa daqiiqaddii 2aad ee ciyaarta hoggaanka qabatay, waxaana gool iska dhaliyey difaaca Villarreal ee Torres ka hor intii aanu Luis Suarez mid labaad ka daba geynin daqiiqadii 20aad.

Weeraryahanka reer France ee Griezmann ayaa goolka saddexaad u dhaliyey kooxdiisa dhamaadka qaybta hore, waxaana xilli ay shan daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsan yihiin dhamaadka ciyaarta gool afraad ku daray Ansu Fati oo beddel kusoo galay.

Ciyaartan ayuu mar kale hadheeyey muran ka yimid VAR oo meesha lagaga saaray gool uu dhaliyey Lionel Messi, kaas oo loo baabi’iyey markii ay kaamirooyinku soo bandhigeen inuu ciyaartoy ka mid ah laacibiinta Barcelona uu ku jiray offside ka hor intii aanay kubadda u tegin Messi.

Shaxdii labada kooxood

Barcelona XI (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Nelson Semedo, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Sergi Roberto, Sergio Busquets, Arturo Vidal; Lionel Messi, Luis Suarez, Antoine Griezmann.

Kaydka: Jorge Cuenca, Alex Collado, Neto, Dani Morer, Martin Braithwaite, Ivan Rakitic, Ansu Fati, Ronald Araujo, Inaki Pena, Riqui Puig, Arthur, Monchu.

Villarreal XI (4-4-2): Sergio Asenjo; Mario Gaspar, Raul Albiol, Pau Torres, Alberto Moreno; Samuel Chukwueze, Andre Zambo Anguissa, Vicente Iborra, Santi Cazorla; Gerard Moreno, Paco Alcacer.

Kaydka: Fernando Nino, Andres Fernandez, Bruno Soriano, Carlos Bacca, Manuel Morlanes, Javier Ontiveros, Moi Gomez, Sergio Lozano, Xavi Quintilla, Sofian Chakla, Ruben Pena, Manu Trigueros.

Tababare Quique Setien oo ay kusii yaalleen dakharrada kasoo gaadhay labadii barbarro ee isku xigay ee labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ayaa laba isbeddel ku sameeyey shaxdiisa, waxaanu soo qaddimay Griezmann iyo Roberto, isaga oo kaydka dhigay Rakitic iyo Puig. Laakiin Javier Calleja oo lixdii ciyaarood ee ay Villarreal dheeshay intii dib loo bilaabay ciyaaraha aan wax guul-darro ah arag, isla markaana shan guulood iyo barbarro kaliya gashay ayaa isyara dhigtay, waxaanu xiddigihii 2-0 kaga adkaatay Real Betis uu ku sameeyey shan beddel, isaga oo kaydka dhigay Pene, Gomez, Trigueros, Ontiveros iyo Bacca, waxaanu soo qaddimay Gaspar, Iborra, Chukwueze, Cazorla iyo weeraryahankii hore ee Barca ee Alcacer oo qaybta horeba dhaawac ku baxay.

Barcelona waqti ismay lumin, waxaanay daqiiqaddii 2aad ee ciyaarta dhashatay gool uu shabaqiisa ku leexiyey Torres oo isku dayayey inuu joojiyo kubbad uu soo dhiibay Alba oo u socotay Griezmann, waxaana markiiba ay ciyaartoyda Barca bilaabeen inay garoonka ay martida ku yihiin ku dhex damaashaadaan.

Ciyaarta oo furnayd ayaa keentay in daqiiqaddii 14aad ay Villarreal la timaaddo goolka barbarraha, kaas oo uu shabaqa Barceloina taabsiiyey Moreno. Kubbad weerar rogaal-celis degdeg ayaa loo dhigay Cazorla oo dhinaca bidix ordayay, waxaanu kubbad awood badan ku ganay Ter Stegen oo iska soo difaacay, laakiin Moreno oo halkaas joogay ayaa si fudud goolka oo uu goolhayuhu ka maqan yahay ugu celiyey, waxaanay ciyaartu noqotay 1-1.

Luis Suarez ayaa helay fursad qaali ahayd laba daqiiqadood kaddib goolka Cazorla, laakiin Asenjo ayaa badbaadin cajiib ah kaga hor joogsaday in goolkiisa ay kubaddu gasho, iyadoo uu lugta u dhigay kubbad dhulka socotay.

GOOOAAALLL!!! Villarreal 1-2 Barcelona – Luis Suarez ayaa kubbad qurux badan oo uu kusoo qalloociyey goolka shabaqa ku hubsaday, waxaana kubadda kasoo shaqeeyey Lionel Messi oo bannaanka xerada ganaaxa u dhigay.

Messi ayaa goolka uu u dhiibay Suarez waxa uu ka dhigayaa in siddeedii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee LaLiga uu ku lug yeeshay sagaal gool oo ah lix gool iyo sagaal caawimood.

Barcelona oo ay ka go’nayd inaanay fursad kale siinin Real Madrid oo kusii dhowaanaysa hanashada horyaalka, ayaa samaysay dhawr jaanis oo kale oo goolal noqon karayay, laakiin kaga fashilmay meelihii ugu dambeeyey.

GOOOAAALLL!!!! Villarreal 1-3 Barcelona – Antoine Griezmann ayaa shabaqa ku ruxay goolka saddexaad ee ciyaarta oo uu ka dulqaaday goolhaye Asenjo, waxaase xusid mudan inay kubbad isku-dhiib ah soo wada ciyaareen Lionel Messi oo caawintii labaad ee kulanka sameeyey, waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay natiijadan.

Tababare Callejo ayaa laba beddel oo degdeg ah sameeyey markii ciyaarta lagu soo noqday iyadoo horena uu dhaawac ugaga baxay Alcacer, waxaanay xoogaa soo nooleeyeen ciyaartoodii kala daadsanayd qaybta hore.

Daqiiqaddii 58aad: Luis Suarez ayaa ku dhowaaday inuu hoggaanka usii dheereeyo kooxdiisa, waxaanay si fool ka fool ah isku heleen goolhayaha, laakiin waqti badan oo uu ku farsameeyo muu helin.

GOOOAAALLL!!! NOOOOOOO – VAR ayaa laga soo hubiyey gool uu dhaliyey Lionel Messi, waxaanay muujisay inuu offside jiray ka hor intii aanu goolku dhalan, waxaana sidaa gool ku waayay Lionel Messi.

Daqiiqaddii 80aad: Barcelona ayaa heshay fursad weyn oo ay goolasha kusii kordhisan lahayd, waxaana isku kaliyeystay Martin Braithwaite iyo goolhaye Sergio Asenjo.

GOOOAAALLLL!!!! Villarreal 1-4 Barcelona – Ansu Fati ayaa ciyaarta ka dhigay mid caajistay oo aanay wax rajo ah lahayn Villarreal, waxaana da’yarkani uu dhaliyey kubbad loogu dhiibay badhtamaha garoonka oo uu difaaca kasoo tuurtay, isla markaana uu xerada ganaaxa lasoo galay, kahor intii aanu shabaqa ku ruxin, kana dhigin natiijada 1-4.

Daqiiqaddii 90aad: Lionel Messi ayaa goolhayaha helay fursad loo fishay inay gool tahay, laakiin goolhaye Sergio Asenjo ayaa kubaddaas ka diiday inay shabaqiisa taabato, iyadoo uu xiddiga reer Argentine gool la’aan kaga baxay ciyaarta.

Daqiiqaddii 92aad: Lionel Messi ayaa loo dhigay laag xor ah laynka diilinta dusheeda, waxaanu kubadda ka jaray birta, hase yeeshee Braithwaite oo madax ku celiyey ayaa mar kale uu goolhaye Sergio Asenjo ka joojiyey inuu shabaqiisa gaadho.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-4 ay guushu ku raacday Barcelona oo