Barcelona oo xasuuqday Real Sociedad +SAWIRRO

1654

Kooxda Barcelona ayaa xasuuqday Real Sociedad kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga iyaga oo si naxariis daro ah goolkooda uga dhaliyay 6 gool kulan ay dib ugu laabteen kaalinta 2-aad ee kala saraynta premier league.

Kooxda Barcelona ayaa qaybtii dambe soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo ka awood batay kooxdii ay martida u ahaayeen ee Real Sociedad.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa sababihii Barcelona ka caawiyay guushii weynayd ee ay ka gaadhay Sociedad.

1.Kalsooni:

Sababaha ka dambeeyay guushii Barcelona ayaa ka bilaabanaysay kalsooni ay isku qabeen xiddigaha kooxdu iyaga oo soo galay ciyaarta iyaga oo ku kalsoon in ay guul kala bixi karaan kulanka.

2.Marc-André ter Stegen:

Goolhaye Marc-André ter Stegen ayaa mar kale soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu sabab u ahaa guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Sociedad isaga oo marar badan kooxdiisa ka badbaadiyay gool laga dhalinayay gaar ahaan qaybtii hore ee ciyaarta xilli ay bar-baro ahayd ciyaartu.

Daafaca Barcelona ayaa sameeyay khalad sidii looga bartay kulamadii ugu dambeeyay laakiin labadaas fursad goolhaye Marc-André ter Stegen ayaa naftiisa dul dhigay kooxdiisana ka badbaadiyay.

3.Xalinta Dhibaatada & Doorkii Messi:

Kooxda Barcelona ayaa saamayn weyn ku lahayd goolka hortiisa kulankan waana arin ay ku dhibaatoodeen bilowgii xilli ciyaareedkan gaar ahaan qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo kooxdu dhalisay kaliya 2 gool.

Lionel Messi ayaa door weyn ka ciyaaray guusha waxana uu dhaliyay 2 gool halka uu goolka 3-aad sameeyay taas oo la macno ah in uu xiddigu 5 gool ku lug lahaa 6-dii gool ee ay kooxdiisu dhalisay.

4.Qaab Ciyaareedka Sergiño Dest:

Xiddiga Sergiño Dest ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedkiisi ugu fiicnaa tan ilaa markii uu Barcelona yimid waxana uu dhaliyay 2 ool halka uu sidoo kale dhibaato ku keenay daafaca kooxda Real Sociedad sidoo kale si fiican u difaacday goolkiisa marka ay Sociedad haystaan kubada.