Barcelona Oo Xasuuqday Villareal +SAWIRRO

2137

Ka dib ciyaar hal dhinac aheyd , Barcelona ayaa xasuuqday kooxda Villa Real oo ay uga talaabsadeen 4 gool xilli qeybtii hore lagu nastay afar gool oo nadiif ah , waxa uuna kulankaan Barac uu ahaa koodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkaan.

Qeybta koowaad , Barcelona sida ay doonto ayay u maamushay ciyaarta waxa ayna kubadda ku hayeen aagga kooxda martida ah kuwaasi oo ay ku adkeyd in kubadda iska soo dhaqaajiyaan waana midda keentay in looga naxsado afar gool deg deg ah

Is fahan aad u weyn ayay u dhaxeeyay ciyaartooyda Barcelona kuwaasi oo isku xernaa xilli Fati iyo Coutinho ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurxoon xilli laacibka reer Brazil uu muujiyay in uu hogaamin karo qadka dhexe kooxdaas Barcelona , waxaana afarta gool kala qeybsaday Fati oo laba dhaliyay , rigoore Messi ah halka gool afaraad ay iska dhaliyeen ciyaartooyda Villa Real ka dib kubad uu soo qajafeeyya Messi.

Ciyaartooyda Barcelona waxa ay soo bandhigeen ciyaar deg degsiimo leh xilli garabka Fati uu ahaa mid si weyn u dhaqaaqayay , waxa ayna Barcelona kulankaan muujiyeen in Messi kaliya aheyn xiddiga kooxda ku tiirsan tahay xilli kulankaan Messi uu cyaarayay weerarka bugta ah taasi oo ay sii dheer tahay in xiddigaha Barca ay boosaska isu bad-badalayeen.

Biloowgii qeybta labaad , ciyaarta waxa ay aheyd mid iska dhex dhexaad ah xilli Barca ay dadajinayeen waliba gool 5-aad yay raadinayeen iyadoo dhanka Villareal ay soo dhaqaaqayaeen waliba aagga goosha Barac ayay tageen dhowr jeer.

Barca shabaqa ayaa u muuqday , Messi iyo Fati ayaan cel celis ahaa waa ayna sigayeen xilli ay muuqatay in Barca laga filan karo goolal dheeraad ah , waxa uuna daafacooda ahaa mid aad u wacan

Villareal waxa ay ka sheeganayeen in kubadda durba ay cagtooda ka baxeyso taasi oo caawineysay Barcelona , waxa uuan goolhayaha Villa Real daqiqiadi 65-aad kubad cajiib ah ka bad baadiyay Messi kaasi oo soo qajafeeyay waxa uuna u saaray koorno.

Badalkii ugu horeeyay Barcelona waxa ay sameeyeen daqiiqadii 70-aad iyaga oo saaray Fati iyo Coutinho oo lagu badalay Dembele iyo Pedri, waxaana xusid mudan n Jordi Alba uu soo bandhigay ciyaar aad u wacan iyadoo sidoo kale badal lagu soo giliyay Trincao iyo Pjanic oo daqiiqadii 78-aad loo saaray Griezman iyo Pjanic

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in Barcelona qeybta labaad uu heerkooda ka hoseeyay midkii hore oo ay soo bandhigeen ciyaar deg degsiimo leh kubadana ay ku jirtay cagtooda ,sidoo kale waxaa muuqaneysaa in ciyaartooyda Barac ahaayeen kuwa fahmay durba taatikada macalinka cusub

Villa Real qeybta labaad daafac ahaan waa ay soo wacnaadeen balse waxaa ka maqnaa in weerar sax ah ay qaadaan inkastoo goolhayaha Barca mar hor istaagay xilli daqiiqaddii 84-aad Barcelona laba fursad oo xaqiiq ah uu si cajiib ah uga bad baadyay goolhayahaVillareal waxaana sidaas sameeyay Messi iy Trincao.