Barlamaanka Galmudug oo maanta dooranaya Senatorada Aqalka Sare

883

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad Goboleedka Galmudug ka dhacdo doorashada Lix Senator oo kamid noqonaya Xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Dowlad Goboleedka Galmudug.

Qaban qaabada doorashada ayaana saakay si weyn looga dareemayaa magaalada Dhuusomareeb, amaanka magaalada ayaana saakay si weyn loo adkeeyay iyadoona wadooyinka qaar la xir xiray.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Xildhibaanada Galmudug aysan ku qanacsaneyn lacago ay bixiyeen musharaxiinta u taagan Aqalka Sare gaar ahaan kuwa la wato ay la tartamayaan dad malxiis ah ay iyagu soo qorteen.

Lix Musharax ayaana bixiyay midkiiba lacag garaeyas 2-kun oo Dollar, halka musharaxiinta kale ee la wato aysan hal dollar bixin, waxa ayna taasi ka careesiisay Xildhibaanada Galmudug oo markii hore filayay in lacag badan ka sameeyaan doorashada.

Xildhibaanada qaar ayaana la sheegay in suurto gal tahay in ay la gediyaan musharaxiinta loo rabo Aqalka Sare si ay caradooda u muujiyaan, waxa ayna arintan walaac ku abuurtay qaar kamid ah musharaxiinta Aqalka Sare u taagan.

Musharaxiinta Aqalka Sare ee sida gaarka ah u wato Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ka walaacsan habraaca ay soo saareen guddiga qaban qaabada Doorashada maanta dahceysa kuwaa oo meesha ka saaray in gacan taag loogu codeeyo musharaxii loo tanaasulo.