Barlamaanka Hirshabeelle oo guddoomiye KMG doortay

1356

Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee HirShabelle ayaa maanta la dhaariyey, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar, waxaana goobta lagu dhaarinayey ku sugnaa guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka ee maamulka Hirshabeelle.

Barlamaanka cusub ee maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay guddoomiyaha ku meel gaarka ahe e barlamaanka u doorteen Maxamuud Siyaad Barqadle oo ah ninka ugu da’da weyn xildhibaanada cusub, iyagoona magacaabay 10 xubnood oo noqon doona guddiga doorashada guddoonka barlamaanka.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka HirShabeelle ayaa sidoo kale lagu wadaa inay dhacdo maalmaha soo socda, waxaana isla maanta lagu dhowaaqay guddigii ka shaqeyn lahaa oo ka kooban illaa sagaal xubnood oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka.