Barlamaanka Puntland oo maanta qorsheynaysa inay go’aan Somaliya inteeda kale

1496

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa ku wargaliyay xildhibaanada Puntland inay si buuxda usoo xaadiraan kalfadhiga maanta iyagoo lagu wargaliyay in go’aan lagasoo saaridoono sharciyadii uu meel mariyay barlamaanka Soomaaliya.

Barlamaanka Puntland, ayaa shalay si kulul uga dooday ugana soo horjeestay tallaabooyinka uu qaaday barlamaanka Soomaaliya iyo kuwa hadda horyaala oo ay kamid tahay muddo kordhinta waqtiga doorashada.

Warar ayaa sheegaya in Puntland gebi ahaanba bannaanka ka istaagidoonto howlaha doorashada Soomaaliya iyo geeddi socodka dowladnimada, iyadoo cuskanaysa awooda uu siinayo dastuurka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan ku goodiyay in dalku kala tag lugaha la galayo haddii dowladda federalka kusii socoto ku tumashada sharuucda iyo xeerarka dalka islamarkaana aan heshiis buuxda laga gaarin doorashada, waa sida uu yiri