Bashar Al-assad oo dalkiisa kacararay

69

Shabakadda CNN, ayaa ku warrantay inaysan jirin wax ilaalo ah oo ku sugan madaxtooyadda Suuriya ee Dimishiq, taasoo muujinaysa meel kasta oo la qiyaasi karo oo gudaha Dimishiq ah inuusan joogin Bashar Al-assad.

Warkan wuxuu sare u qaadayaa, wararka la xiriira inuu Assad ka baxay magaalada Dimishiq oo deegaannada ku hareeraysan ku suganyihiin mucaaradka.

Saraakiisha Iran ayaa ku gacan seyray wararka sheegaya in madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad uu dalka ka baxsaday.

Wararka sheegaya in Asad iyo qoyskiisa ay ka baxeen Suuriya run maaha,” ayuu yiri Yaqoub Rezazadeh, oo xubin ka ah guddiga amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee baarlamaanka Iran ayaa yiri Sabtidii, sida uu sheegay Press TV oo ay leedahay dowladda Iran.

Ciidanka militariga Suuriya ee nidaamka Assad, ayaa lagu warramaya inay iska siibayaan tuutihii militariga, iyagoo isku-daraya shacabka, sida laga arkay muuqaallada la baahiyay.

Ciidanka nidaamka Assad ayaa sidoo kale lagu warramaya inay isaga baxeen Magaalada Douma oo ku taal baadiyaha Dimishiq, iyadoo magaaladan ay ka mid ahayd goobihii uu Bashaar Al-assad u adeegsaday hub Kimiko ah.

Shabakadda Al Sharqia Post, ayaa ku warrantay in ciidanka militariga ee nidaamka Assad ay faarujiyeen xaruntii guud ee ciidanka cirka iyo taliskii cirka ee Dimishiq, waxayna ka tageen kaliya tiro yar oo ilaalo ah.