Bashiir Goobbe oo loomagacaabay Wasiiru-dowlaha Howlaha Guud iyo dib u dhiska

1040

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble, ayaa wareegto uu soo saaray maanta ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed  Xuseen Rooble  ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo”. ayuu yidhi Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahin Macalimuu.
Magacaabidda Bashiir Goobe, ayaa qeyb ka ahayd qodobadii dhawaan kasoo baxay is-afgaradkii madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ka gaareen khilaaf siyaasadeed ee ka dhex taagnaa.

Bashiir Goobe ayaa laga qaaday xilkii taliyaha nabad sugida ee uu raysal wasaaruhu u magacaabay, kadib markii uu xilkaas ka qaaday Fahad Yaasiin.

Xilka maanta loo magacaabay Bashiir Goobe, waxaa bishii january ee sannadkii 2020 iska casilay madaxwyene Qoorqoor, ka hor inta aan loo dooran xilka madaxweynaha Galmudug.