Bashiir Gooble oo lawareegay maamulka maaliya ee NISA

1060

Xogo aan helnay ayaa sheegaya  in Agaasimaha KMG ee NISA Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) lagu wareejiyay maamulka Miisaaniyadda ee Hay’adda ay ku laheyd Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa sidoo kale u hoggaansamay amarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee ah in Bahsiir Goobe uu yahay agaasimaha saxda ah ee hay’’adda, sidaas darteedna ay isaga u gacan geliyaan maamulka miisaaniyadda Nabad Sugidda.

Dad u shaw Bashiir Goobe ayaa inoo sheegay in Miisaaniyadda loo gacan geliyey Bashiir Goobe ay u ku dhiira gelisay go’aankii uu shalay qaatay ee uu ku magacaabay Taliyaha Nabad-Sugida Gobolka Banaadir, G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac).

“Danta shaqada qaranka awgeed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15.09.2021, waxaan u magacaabay Sarkaalka G/lle: Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac) inuu noqdo Agaasimaha HNSQ ee Caasimadda,” ayuu Bashiir Goobe ku yiri warqad uu soo saaray.

Waxaa muuqata in Ra’isul Wasaare Rooble uu guul siyaasadeed ka gaaray dagaalka uu kula jiro Farmaajo iyadoo ay meesha kabixi karto garabkiisa siyaasadeed.

Dhanka kale xarunta NISA waxaa ku sugan ciidan si toos ah uga amar qaata RW Rooble iyadoo xili walba ay suuragal tahay inuu si fudud ula wareego islamarkaana uu ku shaqeeyo Taliye Bashiir Goobe.