Batuulo Gabelle oo 24 saac u qabatay in Bashiir Goobe

20

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwo Batuulo Sheikh Axmed Gabelle ayaa warqad ay shalay soo saartay ku faah faahisay go’aamadii ka soo baxay Guddiga Sare ee Haweenka Qaranka, waxaana ay shaaca ka qaaday in Wasiir Bashiir Goobe uu kusoo xad gudbay Guriga hooyooyinka uuna damacsan yahay inuu boobo.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka looga baahan yahay inay uga guurto guriga Hooyooyinka muddo 24 saac gudahood ah ayna sidoo kale alaabtoodi uga rartaan hadii ay u hogaansami waayana wixii mas’uuliyad ee ka dhasha uu Wasiirka qaadi doono.

Wasiirka wasaaradda Qoyska Bashiir Goobe oo shir jaraaid ah ku qabtay Muqdisho maalin ka hor ayaa shaaca ka qaaday inay jirto wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kaa oo dhigaya in Guriga Hooyooyinka si rasmi ah loogu wareejiyay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Wasiir Bashiir Goobe ayaa faray dhamaan Shirkadaha kala duwan iyo shaqsiyaadka degan guriga hooyooyinka in muddo kooban gudaheedi ay dhismahaasi uga guuraan kuwa Dowladda la howlgalana ay iska diiwaan geliyaan Wasaaradda.

Waxaan la ogeyn halka uu ku dhamaan doono Khilaafka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed iyo Wasiir Bashiir Goobe hadii aysan madaxda sare arintaan soo faragelin.