Baxrayn oo noqotay Wadankii Afaraad oo Carab ah oo heshiis rasmi ah lagalay Isra’il

1490

Dowlada Mareykanka ayaa qaar kamid ah wadamada Carabta ku cadaadineysa in xiriir toos ah la yeeshaan maamulka Isra’il si loo soo celiyo xiriirka diblumaasiyadeed ee Isra;il kala dhaxeeya Wadamada Carabta.

Baxreyn ayaa hada noqota dalkii afaraad oo Carab ah oo xiriir toos ah la yeesha maamulka Isra’il, waxaana horey Isra’il heshiis ula gaaray xiriirkoodana soo celiyeen dalalka Imaaraadka, Masar, iyo Urdun.

Magaalada Manama ee caasimada Baxreyn waxaa xalay heshiis rasmi ah ku kala saxiixday maamulka Isra’il iyo dowlada Baxreyn, waxa ayna labada dhinac ku heshiiyeen in dib usoo celiyaan xiriirkooda diblumaasiyadeed.

Wasiirka Arimaha Dibada dowlada Baxrayn Abdullatif bin Rashid Al-Zayani ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabada heshiiska ku sheegay inuu rajaynayo “iskaashi miro dhal ah oo dhinac walba ah in uu dhexmaro labada dal.

Maamulka Falastiin ayaa si kulul u cambaareesay heshiiska xalay dhaxmaray dowlada Baxreyn iyo maamulka Isra’il, waxaana Madaxtooyada Falastiin heshiiskaasi ku tilmaantay mid niyad jab ah.

Dowlado kale oo Carbeed ayaa la filayaa in heshiis rasmi ah la gaaraan maamulka Isra’il oo mudo sanado badan ah wax xiriir ah ka dhaxeyn, waxaana heshiisyada wadamada Carabta qaar iyo Israil gadaal ka riixaya Dowlada Mareykanka.