Bayern Munich Oo 8 iyo 2 ugu Awood Sheegatay Barcelona Kana Reebtay Tartanka Champion-ka +SAWIRRO

1899

Bayern Munich ayaa xasuuq kubadeed dusha u saartay Barcelona oo ay ka cirib tireen Champion-ka ka dib guul weyn oo ay ka gaareen iyaga oo uga badiyya 8/2

Sheekada labada qeyb : labada koox waxa ay ciyaarta ku bilaabeen qaab deg degsiimo leh waliba biloowgii ayay fursado isku helayeen illaa Thomas Mueller gool laad ah uu ku hubsaday shaqa Barca daqiiqadii 4-aad .

Ciyaar deg degsiimo leh ayay aheyd Barca-na durba waa keeneen goolka bar bar dhaca ahaa waxaana si qaldan isaga dhaliyay David Alaba daqiiqaddii 7-aad .

Barca kullamaa u dhawaadaan aagga goosha Munich halis ayay ahaayeen xilli daqiiqaddii 8-aad Suarez laga bad baadiyay fursad xaqiiq ah , waxaana xigtay fursad kale oo Messi kaga dhacday birta .

Xaalka waxa uu ahaa in marba koox cadaadiska sareeyo adeegsato balse qalad ka dhacay Barca ka dib kubad laga soo qaatay waxaa gool u turjumay Ivan Perisic waxa ayna aheyd daqiiqadii 22-aad
Sidaas oo ay tahay Munich marka lagu dhawaado gooshooda waxa ay ku siganayeen in si qaldan isag dhaliyaan balse waxa ay ahaayeen geeysayaal ay ka go`an tahay goolal dheeraad ah .

Mar kale daqiiqadii 28-aad , Munich gool ayay ku heleen Barcelona waxaana dhaliyay Serge Gnabry waxaana saaxibadda Messi ka muuqatay qaladaad waa weyn oo dhanka daafaca ah .

Xaalka waa xumaaday , Barca waa la sigayay balse goolhayaha ayaa bad baadinayay illaa mar kale lagu helay gool afaraad waxaana daqiiqadii 31-aad mar kale ku hubsaday Thomas Mueller

Dhibka ugu weyn Barca ee qeybtaas hore waxa ay aheyd in ay adkeyd in si sax ah kubadda horay ugu sii jiidaan iyo in ay cagtooda ku hayaan xilli Munich qeybtaas hore ay haysteen kubadda.

Soo laabashadii , Munich cadaadiskii ayay sii wadeen waliba goolal ayay ku sigayeen xilli goolhayaha Barcelona uu sameynayay bad baadin .

Barcelona niyad ahaan waa dhinteen waa ayna u nuglaayeen gool 5-aad kaasi oo yimid balse offside ahaan ayaa looga diiday Munich daqiiqadii 53-aad

Waxaa xusid mudan in Barca ay qeybtaas labaad horay u soo giliyeen Antoine Griezmann oo loo saaray Sergi Roberto, waxa ayan Barac heleen gool uu si wacan u farsameystay Zuarez kaasi oo ceebeystay Jerome Boateng waxa uuan shabaqa dhigay daqiiqadii 57-aad

Barcelona inkastoo goolkaas heleen hadana ma sameyn dadaal dheeraad ah iyadoo indhahooda banaanka yihiin ayaa la dhaafayay waxaan lagu helay gool 5-aad waxaana soo dhex jiiray oo ka soo bilaabay Semedo xiddiga da`da yar ee Alphonso Davies kaasi oo u baasay Joshua Kimmich oo shabaqa dhigay daqiiqaddii 63-aad

Ka dib goolkaas , Munich waxa ay soo giliyeen Kingsley Coman oo loo saaray Ivan Perisic waxa ayna Munich ceebeeyeen daafaca Barcelona oo goolal ayay ku sigayeen oo si nasiib leh ayay ku bad baadayeen saaxibadda Messi xilli Barca daqiiqadii 80-aad ay soo giliyeen Fati oo loo saaray Sergio Busquets

Munich waxa ay daqiiqadii 75-aad soo giliyeen Philippe Coutinho iyo Niklas Suele oo loo saaray Serge Gnabry Jerome Boateng xili dhamaakdii qeybta kubadda hayshadada ay isu dhawaayeen balse Munich waa diiday waxa ayna dhaliyeen gool daqiiqadii 82-aad waxaan lahaa Robert Lewandowski xilli laba gool deg deg ah lo raaciyay waxaana saxiixay xiddiga amaahda uga maqan Barcelona ee Philippe Coutinho waxa ayan ahyed daqiqiadihii 85-aad iyo 89-aad