Bayern Munich Oo Ku Guuleystay UEFA Super Cup +SAWIRRO

1509

Ka dib ciyaar waqtiga dheeriga la isla gaaray Bayern Munich ayaa guul adag waxa ay ka gaareen Sevilla oo ay uga talaabsadeen 2/1 waxa ayna ku guuleysteen markii labaad taraiikhda koonka UEFA Super Cup-ka oo ay horay u qaadeen sanadkii 2013-kii

Sheekada labada qeyb: Kooxaha Munich iyo Sevilla ayaa nasiida ku aaday bar bar dhac min hal gool ah , waxa ayna wada ciyaarayeen finalka UEFA Super Cup xilli ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurxoon

Sevilla waxa ay soo bandhigtay ciyaar deg degsiimo leh iyaga ayaana ku horeeyay goolka kaasi oo ahaa rigoore waxa ayna dhaliyeen daqiiqadii 13-aad xiligaas oo uu saxiixay Lucas Ocampos.

Munich niyad jab kama aysan qaadin goolkaas, isku dayo kala duwan waa ay sameynayeen waliba kubadooda dhanka garbaha ayay si weyn uga socotay illaa ay keeneen goolka bar bara dhaca daqiiqadii 34-aad waxaana u saxiixay Leon Goretzka

Sevilla waxa ay dhankooda ku wacnaayeen isku balaarinta garoonka marka ay Munich kubadda haysato , waxa ayna ciyaartaan guud ahaan aheyd mid isu dheeli tiran marka la eego heer ciyaareedkii labada koox ay soo bandhigeen .
Biloowdii soo laabashada , Munich iyaga ayaa ku xoogganaa maamulka kubadda waliba si qurxoon ayay kubadda isugu dhiihbayeen ilaa ay keeneen gool balse VAR ayaa diiday sababa la xariira Offside, waxa ayna Sevilla ka sheeganayeen in ay kubadda horay u soo dhaqaajiyaan.
Sevilla waa ay ku dhibaatoonayeen weerarka aan kala joogsiga laheyn ee Munich kuwaasi oo daqiiqaddii 63-aad laga diiday gool sababa la xariira in uu ka horeeyay qalad lagu galay daafac Sevilla ah , wax aayna kooxda reer Spain ku tiirsnaayeen kubadaha rogaal celiska ah
Qeybihii dambe , Sevilla aad ayay u wacnaayeen waliba kubadda waa ay gaarsiinayeen aagga goosha kooxda Munich xilli isku dayo ay sameeyeen uu is hortaagayay goolhayaha Munich, waxaana xusid mudan in Muncih dhankooda halistooda ay aheyd mid tagaan lagana filan karo goolal dheeraad ah .

Munich kaliya waxaa ka maqnaa in dhaliyaan gool marka la eego sida ay u dagaalamayeen xilli Sevilla iyana ku dhiiranayeen in ay kubadda la qeybsadaan Muncih waliba daqiiqadii 87-aad waxaa gool xaqiiq ah si cajiib leh uga bad baadiyay goolahayaha Munich , waxa ayan ciyaarta waqtigii caadiga ku dhamaatay bar bar dhac min hal gool ah xilli la aaday waqtiga dheeriga.
Muhcih waxa ay waqtiga dheeriga ku dhaliyeen gool gaar ahana daqiiqadii 104-aad taasi oo ciyaarta ka dhigtay 2/1 , waxa ayna Sevilla iska qasaarinayeen fusardo bar bar dhaca ku keeni kareen blse ma dhicin.