Beelihii ku dagaalamay Bariga Mudug oo 5 qodob kuheshiiyay +SAWIRRO

1685

Taliyaha Ciidanka Dhulka xooga Dalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Qeybta 21 aad ayaa Goobjoog ka ahaa heshiiskaas oo lagu dhameynayo colaado ka taagnaa Degaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq oo dhaca Bariga Mudug, Odayaasha labada dhinac ayaa Ku heshiiyay Shan qodob si loo dhameeyo Colaada labada Beelood,kuwaas oo kala ah.

1- in la dhiso Ciidamo isku dhaf ah
2-in la Magacaabo Guddi Odayaal ah oo ka kooban 10 Xumnood,
3- in si Nabad ah ay u wadda daaqaan Xoolaha Dadka reer Guuraaga ah
4- in qofkii qof kale dila lagu xukumo dil toogasho
5- In Reerkii reer kale ku duulaa Dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto,

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Ee ku sugan Degaanadaas ayaa kor meeray Dhamaan Meelihii laga kala qaaday Ciidanka Beelaha Ddagaalamay.

Heshiiskan ayaa ku yimid dadaal ay sameeyeen Ciidamada qalabka sida iyo xalka Odayaasha deegaanka oo udub dhexaad u ah in nabadan la gaaro.