Beesha Caalamka Oo Dalbatay in dhaqsi doorashada looqabto

630

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dalbaday in si nabad ah ay ku qabsoonto doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo Maanta lagu wado inay ka dhacdo Xarunta Teendhada Afisyooni ee xeyndaanka Garoonka Aadan Cadde.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay doorashadii Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka 11-aad iyo labadiisa ku-xigeen oo shalay ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka.

Sidoo kale Wakiilada ayaa ugu baaqay dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta.

“Arrinta ay Soomaaliya sida degdega ah diiradda u saarayso waa inay ahaato sidii si deggan oo lagu kalsoonaan karo loogusoo gabagabayn lahaa geeddi-socodka doorashada, si markaasi madaxda sida saxda ah loo soo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha hortabinta u leh qaranka” ayaa lagu yiri Warka kasoo Beesha Caalamka.

War-saxaafadeedka Beesha Caalamka ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray : Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.