Beesha Caalamka Oo Fariin U Dirtay Farmaajo

1715

Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa mar kale ka hadlay arrimaha doorashada dalka ka dhacaya dhammaadka sandkaan 2020/21, xili weli muran xoogan uu ka taagan doorashada.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay fuliyaan heshiiskii 17-kii Sebtember laga gaaray doorashada, laguna qabto waqtigii loogu tala-galay.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa tilmaamtay in muhiim ay tahay in laga wada-hadalo khilaafyada jira, si loo gaaro heshiis ballaaran oo hirgelin kara in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo dhan yahay.

“Saaxiibbadu waxa ay sidoo kale ku celiyeen baaqoodii ahaa in la wadahadlo si loo hubiyo is-afgarad ballaaran oo laga gaaro hirgelinta heshiiskii 17-kii Sebtember ee sanadkan” ayaa lagu yiri Qoraal uu soo saaray xafiiska QM ee Soomaaliya.

Baaqaan ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa, iyadoo weli muran xoog leh uu ka taagan yahay doorashada dalka gaar ahaan Guddiyada la magacaabay oo kasoo horjeedan Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland.