Beesha Caalamka oo War kasoo saareysa xaalada siyaasadeed ee dalka

1365

Wakiilada Beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda war kasoo saarto xaalada siyaasadeed ee dalka, xili maanta ku egtahay mudo xileedka rasmiga ah ee Madaxweyne Farmaajo.

Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa meel xasaasi ah mareysa xiligan, waxaana mudo xileedka Madaxweynaha uu dhamaaday iyada oo doorasho bilaaban sidoo kale aan heshiis lagu aheyn sida ay doorashada u dhaxeyso uuna jiro khilaaf siyaasadeed.

Sida aan wararka ku helnay Wakiilada beesha Caalamka ee jooga Xarunta Xalane ayaa wadahadalo ay arintan ka yeesheen la filayaa in war qoraal ah kasoo saaraan kana digaan in dalku ka dhaco khalalaase .

Wakiilada beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay ka hadlaan shirkii fashilmay ee ka dhacay magaalada Dhuusomareeb iyo sida mar kale loo raadin karo xal iyo heshiis laga gaaro ismari waaga taagan ee dhinaca doorashada.

Beesha Caalamka oo saameyn weyn ku leh siyaasada Soomaaliya ayaa madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamulada ku cadaadineysa in xal gaaraan si dalka doorasho uga dhacdo, waxa ayna beesha caalamka ka digtay in dalka mar kale khalalaaso galo.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa cabsi badan ka qaba in dalka dagaalo sukeeye faraha la galo, waxaana jira fariimo habjabaad ah oo hawada isku marinayana siyaasiinta Soomaaliyeed ee iska soo horjeeda.