Beesha Ceyr oo ka mid ah Beelaha Habargidir ayaa maanta gaarsiisay deeq kala duwan beelaha Xawaadle ee dagaalka culus kula jira sadaxdii sano ee lasoo dhaafay maleeshiyaadka Al-shabaab.
Xildhibaano, Wasiiro, Ganacsato iyo wax garadka kasoo jeeda Beesha Ceyr ee Habargidir ayaa maanta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan deeqdaan muhiimka ah kula wareejiyay waxgaradka beelaha Xawaadle iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xawaadle.
Deeqdaan ayaa isugu jirta $50,000 konton kun oo dolarka Mareykanka ah, 10 neef oo Geel ah, 200 neef oo Arri ah, laba baabuur oo raashin ah iyo gaadiid fara badan oo dagaal oo ka qeyb noqonaya dagaalka Xawaadle kula jira Al-shabaab.
Si kastaba ha ahaatee gurmadkan maanta beesha Ceyr soo gaarsiiyeen degmadda Maxaas ee gobalka Hiiraan ayaa ah gurmadkii ugu balaaranaa ee abid lasoo gaarsiiyo farumaha hore ee dagaalka u dhaxeeya Al-shabaab iyo Xawaadle, waxaana gurmadkaan uu wax badan ka tari doonta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Ugu dambeyntii gargaarkan iyo gurmadka Beesha Ceyr ee Habargidir soo gaarsiisay Beelaha Xawaadle ayaa ah mid Beesha Ceyr ay ugu abaal gudeyso Xawaadle garab istaagii Xawaadle ee dagaaladii adkaa ee Guriceel iyo Dhuusamareeb kula gashay Beesha Ceyr Al-shabaab sanadkii 2008-dii, xiligaas oo ay Beesha Xawaadle noqotay Beesha kaliya ee ugu horeysay ee gargaar dagaal u fidiso Beesha Ceyr ee Habargidir oo dagaal adag kula jirtay Al-shabaab.