DAAWO:-Beesha Xawaadle oo Ugaas Cusub Calaama saaratay+SAWIRRO

1460

Beesha Xawaadlle ayaa maanta u Calaamadeeysay Ugaaska cusub ee Besha xawaadlle in uu noqdo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooblle Ugaas Warfaa, kaddib geeridii ku timid ilaah ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif .

Shir ay ka soo qeyb galeen wasiirka arrimaha gudaha xukumadda Soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen afrax ,guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan, xildhibaanno, Nabadoono, Odayaal, wax garad, dhallinyaro iyo qeybaha kale ee bulshada beelweynta xawaadle, ayaa lagu shaaciyay in ugaaska cusub ee besha xawaadlle loo sii calaamadeeyaya in uu noqdo Ugaas Yusuf Ugaas Xasan, iyadoona la isku raacay in Ugaaska cusub la caleemo saaro (Afar bil iyo Toban cisho kaddib.

Nabadoono iyo Odayaal ugu horeyn munaasabdda ka hadlay ayaa ballan qaaday in aay la shaqeyn doonaan ugaaska cusub ee beesha xawaadlle Ugaas Yuusuf ayna raali ka yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim aay tahay in la helo hooggaamiye dhaqan oo booska Ugaas Xasan ka geeriyooday buuxiya si howlaha beesha uu usii wado.

Wasiirka arrimaha gudaha xukumadda Soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa taageeray go’aanka odayasha dhaqanka xawaadlle ay ugu sii calaamadeeyeen in ugaaska cusub ee beesha uu noqdo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan waxuuna ballan qaaday in aay la shaqeyn doonaan.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ah wiilka AUN Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo dhawaan geeriyaaday, waxaana ugaas Yuusuf laga bilaabo maanta uu si rasmi ah usii amba qaadi doonaa howlaha kala duwan ee horyaalla.