Beledweyne oo qax kabilowday +SAWIRO

1816

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa kabilowday qaar kamid ah Shacabka Magaaladaas ay markale bilaabeen inay barakacaan.

Xaafadaha laga barakacayo ayaa waxaa kamid ah laanta dhagax jibis iyo Xaafado kale ee Magaalada Beledweyne kadib markii uu ku fatahay Wabiga Shabeelle ee mara Magaaladaasi Beledweyne.

Dad ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in meelaha qaar Wabiga uu aad u Biyo keenay,isla markaana ay jirto cabsi weyn oo la xiriirto in uu fataho halka Xaafadaha qaar uu ka fatahay.

Shalay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa Magaalada Beledweyne ay u dirtay Wafdi Wasiiro ah,kuwaas oo durba bilaabay qorsho looga hirtagayo in uu fatahaad baahsan geysto Wabiga.

Dadka barakacay ayaa aaday dhinaca deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka Magaalada Beledweyne,waxaana laga soo sheegayaa in halkaasi xaalad bani’aadanimo ku heysato.