Berito oo Codka kalsoonida loo qaadayo Golaha Wasiirada

1389

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta berito oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 24/10/2020 inay Xarunta Villa Hargeysa u yeeshaan kulan aan caadi aheyn.

Ajandaha Kulanka Beri ayaa waxaa uu yahay u codeynta Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan soo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Barnaamijka Xukuumadda.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa qaar kamid ah Golaha wasiirada Cusub iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay yeelanayeen kulamo kala duwan, iyada oo Golaha Wasiirada Magacaaban ay codka kasloonida weeydiisanayeen Xildhibaannada.

19-kii Bishaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu Magacaabay golihiisa Wasiirada, kuwaas oo hadii la ansixiyo aan waqti badan u heysan inay Shaqada laga sugayo qabtaan, maadaama waqtiga xilheynta Hay’adaha dowladda uu yahay geb-gabo lana gelayo doorashooyin.