Biden oo oohin kumacasalaameeyay Xisbiga Dimoqraadiga +SAWIRRO

124

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay ka jeediyay furitaanka Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga ee ka socda magaalada Chicago, khudbad qiiro laheyd oo lagu tiranayo mid ka mid ah kuwi ugu danbeeyay ee uu ku macsalaameynayo taageerayaasha dimoqraadiga.

Biden ayaa masraxa soo koray isaga oo ilmeynaya, kaddib marki ay makarafoonka ku soo dhaweysay gabadhiisa Ashley, soo dhaweyntaas oo u muuqatay mid ka ilmeysiisay madaxweynaha 81 jirka ah ee Mareykanka.

Kumannaanka qof ee ku sugan xarunta uu shirk aka socday ayaa u istaagay iyaga oo u sacbinaya kaddibna, ku dhawaaqay “Mahadsanid Joe”.

Biden oo dhinacyo badan ka hadlay, ayaa sheegay in Dimoqraadiyiinta iyo taageerayaashooda ay dagaal ugu jiraan ruuxda Ameerica.

Wuxuu difaacay dhaxalkiisa waxqabad ee uu uga tagayo Mareykanka, isaga oo tilmaamay in wax badan qaban doono bilaha u haray.

Mar uu ka hadlayay bannaan-baxyada lagu taageerayo Falastiin iyo Gaza ee Mareykanka, ayuu sheegay in kuwa bannaanbaxaya ay gar u leeyihiin, maadaama buu yiri dad badan lagu dilay Gaza.

Go’aanki uu uga haray doorashada isla markaana ku taageeray Kamala Harris ayuu ku tilmaamay, kii ugu wanaagsanaa ee uu sameeyay.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Mareykanka in ay doortaan Harris iyo Walz oo ah murashaxiinta xisbiga Dimoqraadiga, isaga oo taasi ku sababeeyay in ay ka dhigantahay difaaca dimoqraadiyadda Mareykanka.

Waxyaabaha kale ee uu ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa, soo galootida, dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda.