Booliska G. Mudug oo la siiyay qalab

278

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa shir-gudoomiyey shirka Amniga heer Degmo.

Shirkan oo mudo socday ayaa Taliyayaasha saldhigyada Degmada Gaalkacyo lagu gudoonsiiyey Qalab isugu jira Jeebooyinka lagu xiro Eedaysanayaasha iyo Qalab lagu ogaado Qof markaa Cabsan ama isticmaalay Daroogada loo yaqaan Khamrida iyo heerka uu markaa joogo.

Waxaa qayb ka ahaa shirkan Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Saldhigyada iyo Laamaha Amniga iyo Gudoomiyayaasha Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Gabagabadii ayaa laga soo saaray shirkan qodobo lagu xoojinayo Amniga magaalada Gaalkacyo.