Booliska oo qabtay hoobiyeyaashii ugu badnaa ee lagu garaaci jiray Muqdisho

270

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta jawaab ka bixiyay weerarkii loo adeegsaday hoobiyeyaasha ee xalay lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada gudaha Muqdisho.

Hoobiyeyaash ayaa laga soo tuuray dhinaca degmada Yaaqshiid, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.

Saddex ka mid ah waxaa la xaqiijiyey inay ku kala dhaxeen degmooyinka Boondheere iyo Cabdicasiis, waxaana la soo weriyey khasaare aan badneyn.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay hoobiyihii koowaad oo ku dhacay gudaha xerada gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku taalla degmada Cabdicasiis.

Taliska booliska gobolka Banaadir oo maanta shr jaraa’id ku qabtay degmada Dayniile ayaa soo bandhigay hoobiyeyaal iyo hub kale oo tiro badan oo lagu soo qabtay howlgallo.

Hubkan ayaa oo la tusay Wariyeyaasha iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo qabtay howlgallo culus oo ay ciidamadu ka sameeyeen guryo ku yaalla caasimada.