Booliska oo war culus ka soo saaray askigii maanta lagu feeray BF

61

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo war ka soo saaray xildhibaanadii maanta baarlamaanka ku dhex feeray askarta ayaa si adag u cambaareeyay falkaas, isagoo ku tilmaamay “xadgudub ay qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS u geysteen askar ka tirsan ciidanka boliiska, xilli ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo.”

Qoraal ka soo baxay xafiiska Taliyaha Booliska Jeneraal Asad Cismaan Diyaano ayaa lagu yiri “Waa arrin aad loola yaabo in xubno sharci-dejiye ah oo metelaya shacabku ay ku kacaan fal noocan ah, oo dhaawacaya sharafta hay’adaha ammaanka iyo ilaalinta sharciga.”

Taliyaha ayaa askarta lagu xad-gudbay ku bogaadiyey dulqaadka ay muujiyeen iyo sida ay u guteen waajibkooda, iyagoo aan ka falcelin gacan qaadkii loo geystay.

Taliska Booliska Soomaaliyeed wuxuu bogaadin iyo dhiirigelin u dirayaa askarta muujisay dulqaad, bisayl, iyo xirfad ay ku maareeyeen xaaladda, iyagoo ka fogaaday falcelin ka baxsan anshaxa shaqadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska booliska oo shaaciyey tallaabada la gudboon ayaa sheegay in falkaan loo gudbi doono guddiga anshaxa ee baarlamaanka iyo xeer ilaalinta qaranka, si sharciga loo marsiiyo xildhibaanadii ku kacay.

Falkaan xadgudubka ah waxa si rasmi ah loogu gudbin doonaa Guddiga Anshaxa ee Baarlamaanka iyo Xeer Ilaalinta Qaranka si tallaabo sharci ah looga qaado cid kasta oo ku lug lahayd,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay xafiiska Taliye Asad Diyaano.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliiska oo Isbitaalka Madiina ku booqday dhaawacyada askartii lagu feeray kulanka baarlamaanka, kuwaas oo lala tacaalayo xaaladooda caafimaad, isagoo u rajeynaya bogsiin degdeg ah.

Booliska Soomaaliyeed waa tiirka ugu muhiimsan ee sugaya nabadda iyo amniga, waana saaxiibka muwaadinka, mar walbana diyaar u ah inuu u adeego bulshada si hufan oo sharaf leh,” ayuu yiri Taliyaha Booliska.