Booliska Soomaaliland oo faah faahiyey xariga Xildhibaan Dhakool + video

1690

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliland ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen sababta ay xalay xabsiga u dhigeen Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ahaa mudanayaasha Golaha Wakiilada Soomaaliland.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliland Sarreeye Gaas Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa sheegay in Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool uu ku kacay fal lidi ku ah qaranimada Soomaaliland,isla markaana uu bilaabay kicin dadweyne.

Waxa uu sheegay in uu ka horyimid Go’aano dadweynaha soomaaliland ay gaareen oo ah maalinta gooni isu-taaga Soomaalialnd ee 18 May oo uu ku faafiyey Baraha Bulshada,maalintaas oo Soomaaliland ay aaminsan tahay inay tahay Maalintii ugu horeysay oo ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliland feysal Xiis ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in amarka lagu xiray Xildhibaan Dhaool uu bixiyey taliyaha Ciidanka Booliska,waxaana uu hadalkiisa intaasi ku daray in cid kasta oo ka hoirtimaada jiritaanka Soomaaliland tallaabo laga qaadayo.

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland ee kasoo jeeda deegaanada gobolka Sool ayaa maalma ka hor sheegay in Maalinta 18-ka Bisha May aysan aheyn Maalin Qaran,balse ay tahay Maalin ay leeyihiin Ururka SNM.