Boorame gabar diiday in lagubo calanka somaliya oo laxiray

1183

Ciidamada booliska Somaliland, ayaa xabsiga dhigay Degen Miiraash oo isku dayday in ay hor istaagto dhalinyaro magaalada Borama ku gubayay calanka Soomaaliya.

Dhalinyarada ay Degen isku dheceen ayaa calanka Soomaaliya ku gubayay gudaha Borama.

Waxa jira dhalinyaro ilaa shalay baraha bulshada ku faafinayay calanka Somaliland oo ay la hayen calankayagu waakan.

Isla saakana koox dhalinyaro ah ayaa calanka buluuga ah ee Soomaaliya ku gubay gudaha Borama.

Degen ayaa marsii horaysay xabsiga loo taxaabay kadib markii ay calanka Soomaaliya ku sharaxatay gurigeeda, iyado mudo kadib lasoo daayay.