Boqolaal katirsan ciidanka Itoobiya ee Somaliya joogay oo laceliyay

1834

Ciidamadii ugu badnaa ee dalka Itoobiya kuna sugnaa gudaha dalka Soomaaliya iyo Xaduudaha, ayaa katalaabay Buuraleyda Kaara-Mardha, waxayna kusii jeedaan Waqooyiga Itoobiya, gaar ahaana gobalka dowlad deegaanka Tigreega.

Ciidamadaan oo wata hubka culus iyo gaadiidka gaashaman ayaa ka gudbay Ismaamulka Soomaalida ee DDS si ay uga qayb qaataan dgaalka ka dhanka ah dhaqdhaqaaqa gooni goosi doonka ah ee TPLF.

Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa la rumaysan yahay inuu dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF u diyaarsaday in ka badan 90,000 oo kamid ah ciidamada federalka wadanka Itoobiya.

Nabadsugida iyo Booliska Heer Federaal ee Itoobiya ayaa baahiyey hubka ay adeegsanayeen shabakado doonayay in ay dilal iyo rabshado ka geystaan Kilalada nabadda ah ee Itoobiya, kuwaas oo ay qabteen ciidanka.

Kooxahaan ayaa badankooda waxaa laga magaalada Jimma ee muhiimka ah waqtigan, waxaa kujira agabyada la qabtay Baasaboor dalal kala duwan laga leeyahay oo ay adeegsan lahaayeen kooxahan.