BOQOR BUUR-MADOW oo ka hadlay Sarkaal Beeshiisa looga dilay Lascanood+COD

1759

Boqor Cismaan Buur-madow oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka magaalada Burco, ayaa si kulul uga hadlay Sarkaal kasoo jeeda Beesha Habarjeclo kaasi oo dhowaan lagu dilay magaalada Burco, Wuxuuna xusay inay ka dambeeyaan Dad ay ka dhaxayso Aano Qabiil, Wuxuuna Arintaasi ku dhaliilay Xukuumadda Somaliland.

“Saraakiishii Beeshayda laga dilay, Dawladda Somalia tacsi kama dirto, Aas Qaran looma sameeyo, Waan ka xunahay Isha gaarka ah ee lagu hayo“.

Boqor Cismaan Buur-madow wuxuu sheegay in Cadaadis gaar ah lagu hayo Beesha uu kasoo jeedo, (Habarjeclo) islamarkaana ay dhibaatooyin kala duwan ka tirsanayaan Xukuumadda Somaliland.

Dhinaca kale wuxuu sheegay inay dib u habayn kusamayn doonaan Siyaasaddooda, islamarkaana ay Beesha Habarjeclo iyo Garxajis ay shirk ku Qabsan doonaan Burco, Ramadaanta kadib.

Boqor Buur-madow isagoo ka hadlayey Xadhiga Xildhibaan Dhakool “Hadii Dastuurku ilaalin waayo, Madaxwaynaha, Wasiirka iyo Xildhibaanka, Qof shacab ah ma ilaalin doono, Waana wax aan laga dul Qaadan Karin in Xabsiga lagu sii hayo, Waxaana usoo jeedinayaa Muuse Biixi, Dastuurka ayaad ku joogtaa, Xildhibaanku waa inaanu Xabsiga kusii Jirin “ Ayuu yidhi Boqor Buurmadow.