Boqoradda khashinka oo lagu xiray Sweden

157

Haweeney ganacsato ah isla markaasna isku tilmaantay “Boqoradda khashinka” ee Sweden ayaa lagu maxkamadeynayaa dalkaas, iyadoo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah khashin aad u fara badan oo sida buuro oo kale ah ugu daadisay xaafado iyo deegaanno la ilaaliyo, waana dembigii ugu weynaa abid ee dhanka deegaanka ee dalkaas.

Bella Nilsson waa mid ka mid ah 11 qof oo iyagu lagu eedeeyay “dembi deegaan oo daran”.

Waxay haweeneydan ahayd madaxa shirkadda khashinka ee NMT Think Pink, taasoo lagu eedeeyay inay 200,000 oo tan oo khashin ah ku daadisay 21 deegaan intii u dhaxeysay 2015 iyo 2020, khashinkaas oo goobihii lagu daadiyay ka dhigay sida buuro oo kale.

Qareennada Ms Nilsson oo haatan lagu magacaabo Fariba Vancor, iyo qof kale oo madax hore ahaa Leif-Ivan Karlsson ayaa sheegay inay dadkan beeninayaan inay wax dembi ah galeen.

Iyadoo sii galeysa maxkamadda degmada Attunda ee waqooyiga Stockholm, ayaa Ms Nilsson waxay diidday inay ka jawaabto su’aalaha weriyeyaasha.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in qaabka ay shirkaddu u maareysay khashinka ay sababtay khatar dhanka kiimiko kansar sababi karta iyo maaddooyin kale oo sun ah sida lead, arsenic iyo mercury oo lagu sii daayay hawada, ciidda iyo biyaha.

Shirkadda Think Pink ayaa mar khashin fara badan ku daadisay meel u dhow xarun waxyaabaha dabiiciga ah lagu keydiyo.

Ms Nilsson ayaa hore warbaahinta Sweden ugu sheegtay in shirkaddeeda ay raacday sharciga.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in NMT Think Pink – oo musallaftay sanadkii 2020 markii Bella Nilsson la xiray – aysan “wax dan ah ka gelin amaba aysan awood u yeelan inay maareyso [khashinka] iyadoo ku dabakheysa sharciga deegaanka”.

Habka khashinka loogu daadiyay meelaha ayaa halis geliyay “caafimaadka bani’aadamka, xayawaannada iyo dhirta”, ayay intaa raaciyeen.

Think Pink ayaa waxaa kireysan jiray oo shaqaaleysiin jiray shirkadaha, dowladaha hoose iyo shakhsiyaad gaar ah, si wax walba oo khashin ah gaar ahaan kuwa meelaha dhismaha, korontada, biraha, caagadaha, alwaaxa, taayirrada iyo qalabka ay carruurta ku dheelaan ay uga uruuriyaan una soo daadiyaan. Balse buuro khashin ah ayay deegaanno ku daadiyeen ugana tageen, sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha.

Dhammaanba 11-ka eedeysane ayaa beeniyay inay wax khalad ah sameeyeen. Waxaa ka mid ah seygii hore ee Bella Nilsson, Thomas Nilsson, kaasoo qareenkiisa uu sheegay inuu madax ahaa kahor 2015 isla markaana uusan shaqo ku lahayn markii dembiyadaas la galay.

Baaritaan horudhac ah oo lagu sameeyay arrintan ayaa waxaa lagu soo koobay ilaa 45,000 bog.

Dacwad-ooge Anders Gustafsson ayaa ku doodaya in si la mid ah khashin la daadiyo, ay eedeysanayaasha been-abuur ku sameeyeen dukumentiyo si ay u marin-habaabiyaan dowladda ayna u sameeyaan lacag loo adeegsaday dano gaar ah.

Dhowr dowlado-hoose ayaa doonaya magdhow gaaraya 260m kronor ($25.4 milyan) si loo nadiifiyo buuraha khashinka ah iyo sidoo kale nadiifinta goobahaas.

Dowladda hoose ee Botkyrka, ee koofurta Stockholm, ayaa iyadana dooneysa 125m kronor sababo la xiriira waxyeellada soo gaartay, iyadoo in ka badan intaas ku kharash gareysay ka saaridda wasakhda goobaha lagu daadiyay.

Dab ka kacay Kagghamra ayaa ku qasbay waaliddiinta inay carruurtooda guryaha ku hayaan iyagoo dhowr meyl u jiray sababo la xiriira qiiqa sunta ah ee kasoo baxayay goobaha ay shirkaddan ku daadisay khashinka.