Brazil Oo kataqalustay Argentina Iskana Xaadirisay Finalka Cope America +VIDEO+SAWIRRO

1753

Sheekada ciyaarata: Brazil ayaan nasiinada ugu dirtay Argentina hal gool oo nadiif ah kaasi oo yimid daqiiqadii 19-aad waxaana saxiixay Gabriel Jesus ka dib baas uu ka helay Ferminho waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga semi finalka ee Cope America .

Brazil ayaa kubadda haysatay ka hor goolkaas waxa uuna heerka maamulkooda gaarayay heer dhan %55 iyo %61 waxa ayna Argentina raadinayeen fursad ay isku fahmaan ayna ku abuuraan weeraro .

Ka dib goolkaas , Argentina guud ahaan kubadda iyaga ayaa maamulayay waliba weeraray goosha Brazil balse waxaa wajahayay daafac adag oo ma jrrin dal daloolo ay kubadda marsiiyaan waxaana aad u shaqeynayay Dani Alves ,

Daqiiqaddii 29-aad Argentina kubad gool cajiib noqon lahaa ayaa waxa ay kaga dhacday birta ka dib kubad uu madaxeeyay Nicolas Otamendi waxa ayna Argentin ciyaarayeen kubad geesinimo leh waa ayna mudnaayeen goolka bar bar dhaca.

Messi iyo Aguero ayaa is xilqaamayay waxa uuna Messi mashquuliyay oo uu waliba ku baashalayay daafaca Brazil basle dhameystir ma jirrin oo durba waa la kala jarayay kubaddooda .

Brazil wax ay ku tiirsanayeen kubadaha rogaal celiska ah balse guud ahaan waxaa weerar tagayay Argentina waxa ayna haysteen qadka dhexe xilli nasiinada lagu aaday halkaas gool,balse waxaa xusid mudan in Argetina qeybtaas hroe soo bandhigeen kubad qurxoon .

SHAXDII ARGENTINA : Armani; Foyth, Pezzella, Otamendi, Tagliafico; Acuna, Paredes, De Paul; Messi, Aguero, Martinez

Keydka: Marchesin, Musso, Saravia, Pereyra, Di Maria, Funes Mori, Casco, Pizarro, Rodriguez, Suarez, Lo Celso, Dybala

SHAXDII: Alisson; Alvesm Silva, Marquinhos, Sandro; Arthur, Casemiro, Coutinho; Jesus, Firmino, Everton

Keydka: Cassio, Ederson, Fagner, Miranda, Militao, Luis, Allan, Fernandinho, Paqueta, Willian, Neres, Richarlison

Biloowgii qeybta labaad kubadda waa u furneyd balse waxaa dagaal ku jirtay Argentina oo baadi gobeysay in ay natiijada wax ka badalaan

Saaxibadda Dani Alves waxa ay biloowgaas ciyaarayeen kubad deggan waxaana daqiiqaddii 55-aad fursad xaqiiq ah ka qasaariyay Countinho balse waxaa jawaab bixisay Argentina waxa ayna Messi daqiiqaddii 56-aad kubad uu laaday birta kaga dhacday ka dibna daqiiqaddii 57-aad goolhayaha Argentina ayaa bad baadiyay kubad gool aheyd.

Waxa ayna Argentina daqiiqaddii 59 soo giliyeen Di Maria oo loo badalay Acuna halka Brazil ay soo giliyeen Miranda loo badalay Marquinhos waxa ayna aheyd daqiiqaddii 64-aad xilli Argentina ay sameynayeen sisku dayo waaxana daqiiqaddii 66-aad kubad free kick aheyd laga bad baadiyay Messi

Brazil qeybtaan labaad waa ay wacnaayeen waa ayna maamulayeen kubadda mararka qaar xilli Argentina oo weerarar aheyd looga baqayay in laga dhaliyo kubad rogaal celis ah waa ayna timid waxaana sidaas sameeyay oo kubad uu soo jiiday Jesus dhaliyay Ferminho daqiiqaddii 71-aad

Brazil waxaa daqiiqadii 80-aad dhaawac looga saaray Jesus iyada oo la soo giliyay Allan, waxa ayna Brazil ciyaarayeen daafac adag si natiijada aysan wax isaga badalin . waxaana xusid mudan in Argetina daqiiqadihii dhamaadka iyaga ahaayeend dhankii wacnaa balse waxaa ka maqnaa goosha si sax ah tagaan waxaana loogu dhameeyay labadaas gool ee ay Brazil isaga xaadiriyeen finalka Cope America waxa ayna sugayeen cidda soo baxda Chile iyo Peru