Brighton Oo Ka Inkaarsatay Liveprool +SAWIRRO

1581

Liverpool ayaa guul daro xanuun badan kala kulantay Brighton kuwaasi oo uga badiyay hal gool oo nadiif ah xilli kooxda Klopp ku sareeyeen maamulka kubadda .

Qeybta hore waxaa lagu nastay bar bar dhac bilaa goolal ah xilli ciyaarta aheyd mid Liverpool si ugu adkeyd .

Kubadda waxaa maamulkeeda ku sareeyay Liverpool balase waxaa ka maqnaa in ay xal u helaan in ay kubadda gaarsiiyaan shabaqa maadaama kooxda Brighton ay daafac ahaan ay u adkaayeen .

Kooxda Brighton waxa ay Liverpool kula tacaamulayeen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna heerka kubadda hayshada Liverpool qeybtaas hore gaareysay %63.

Liverpool inkastoo dadaal wacan muujinayeen hadana daafac adag ayaa hor istaagay waxaana lagu nastay bar bar dhacaas .

Qeybta labaad , Liverpool halkeeda ayay ka sii waday kubad haysashada waana laga filan karay goolal balse kooxda kale goolhayahooda ayaa foojignaa .

Brighton oo kubad geesinimo leh ciyaareysay ayaa kooxdaas Liverpool ku heshay gool uu ka muuqday qalad dhanka daafac ah waxaana lagu helay daqiiqaddii 56-aad xilli ka dib kooxda Klopp uu is hor taagayay goolhayaha

Macalin Klopp si xal uu u helo waxa uu daqiiqadi 64-aad sameeyay badal isaga oo soo giliyay Solly MarchAdam Lallana iyo Alex Oxlade-Chamberlain oo loo saaray Origi iyo Wijnaldum waxa ayna aheyd daaqiiqadii 64-aad

Kooxda martida waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah waliba daqiiqadii 74-ad gool labaad ayaa waxaa si cajiib ah uga bad baadiyay goolhayaha Liverpool .

Dhamaadkii , ciyaarta xaraarad ayay sii yeelatay waxa ayan Klopp wiilashiisa dhan wlaiba ka weerareen Brighton balse kooxda martida daafac adag aayy ku jireen wakliba qaab isku xeran ayay howsha u wadeen , waxa uuna Klopp daqiiqaddii 79-aad saaray Firmninho iyadoo kla soo giliyay CURTIS JONES .

Liverpool ,dhamaadkii waxa ay ka sheeganayeen deg degsiimo oo diiradda ma aysan saareyn ciyaarta halka kooxda martida ay muujiyeen ciyaar deggan xili heerka kubad hayashada Liverpol ay gaareysay %63.