Burcad dhac gaysanayasay oo laqabtay +SAWIRRO

39

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Dayniile, ayaa gacanta ku soo dhigay labo eedeysane oo caadaystay dhaca iyo dhibaataynta bulshada Dayniile, Labadan eedeysane oo Booliiska Saldhigga Dayniile ku daba jiray ayaa gacanta lagu soo dhigay iyaga oo dhac ka geysanaya gudaha degmada Dayniile.
Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo D/le Maxamed Xasan Axmed (Abaaje) iyo Mursal Warsame Cabdi (Jiiska) ayaa ku jira gacanta Booliiska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loogu waafajiyo.

Dhanka kale Taliska Booliiska Somalia ayaa wargelin ay soo saareen waxay ciidamada kaga mamnuuceen inay hub la raacaan mootooyinka labada lugood ee loo yaqaan Moto Fekon.
Wargelinta Tasliska Booliska ayaa sidan u qorneyd:-
Waxaa lagu wargelinayaa dhamaan Ciidammada ka tirsan hay’addaha amniga in aan la oggolayn, isla markaana ay mamnuuc tahay in askari hubaysan uu isticmaalo mooto fekon.
Sidoo kale, gudaha caasimadda lama oggola in askari hubaysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko.
Askarigii ka dhaga adeega awaamirta hay’addaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.