Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ka dhanka ah burcada hubeesan ee dadka shacabka ah dhaca ugu geesta xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.
Howlgal ay sameeyeen ciidanka booliiska saldhigga degmada Xamarweyne ayey kusoo qabteen labo kamid ah burcadda hubaysan ah ee dadka shacabka ah baarta xiliyada habeenkii ah, kuwaas oo xalay ciidanku ka qabteen isla degmada Xamarweyne.
Ciidanka ayaa ragan burcada ah qabtay iyaga oo wata qoriga AK47 iyo Moota bajaaj, waxa ayna dhacayeen xiliga la qabanayay labo qof dumar ah oo marayay agagaarka kawaanka maleeyga ee degmada Xamarweyne.
Maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ciidamada booliiska howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayeyu kusoo qabteen kooxo burcad hubeesan oo siyaabo kala duwan dhac ugu geesanayay dad shacab ah.