C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo loomagacaabay gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose

1614

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Guddoomiye Cusub u magacaabay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose loogu magacaabay inuu noqdo C/qaadir Maxamed Nuur Siidii, isagoo bedelaya Guddoomiyihii Ibraahim Aadan Cali Najax.

Laamaha amniga Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan Guddoomiye C/qaadir Maxamed Nuur Siidi, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.

C/qaadir Siidii ayaa horey u soo qabtay xilka Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana haatan mar kale xilkaas u magacaabay Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Sababta Is-bedelka loogu sameeyay Maamulka Gobolkaas ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay arrimo la xiriira baahi loo qabo in Is-bedel lagu sameeyo xilka Guddoomiyaha, si loo dardar-geliyo howlaha shaqo ee Gobolka.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu yahay Gobolka ugu amniga xun Gobolada Koonfur Galbeed, isla markaana waxaa ka dhaca qaraxyo lala eegto Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, kuwaasi oo inta badan geysta khasaaro kala duwan, waxaana sidoo kale ka dhaca dagaalo dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab.