C/rashiid Janan oo Nairobi looqaaday

1992

Wasiirkii amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Janan oo maanta doon ku tagay magaalada Kismaayo ayaa halkaas si diiran loogu soo dhoweeyey markii uu gaaray.

Rasaas fara badan oo dabaaldeg ahaa isqabsatay magaalada Kismaayo wax yar ka dib markii uu baahay warka sheegaya in C/rashiid Janan uu soo galay magaaladaas, waxaana rasaasta ridayey ciidamo ka tirsan Jubbaland sida dad magaalada ku sugan ay Wardoon.net u sheegeen, iyadoo meelaha qaarna ay ka dhaceen dibed baxyo lagu soo dhoweynayo.

C/rashiid Janan ayaa waxaa Kismaayo ka qaaday diyaarad ciidan, oo ay leeyihiin militariga dalka Kenya.

Janan ayaa la rumeysan yahay inuu ku xanuunsaday xabsiga, taasi oo ahayd sababta markii hore looga soo saaray ee loogu soo beddelay xabsi guriga, halkaasi oo uu ka baxsaday 28-kii Janaayo, sida ay sheegtay taliye ku-xigeenka labaad ee booliska Jeneral Zakiya Zuseen.

Masuulkan ayaa maalmo ka hor ka baxsaday xabsi uu muddo shan bilood ah ku jiray oo ku yaalla magaalada Muiqdisho ka dib markii ay xirtay dowlada Somalia oo ku eedeysay inuu galay dembiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Su’aalo kala duwan oo aan jawaab loo heynin ayaa weli ka taagan qaabka uu C/rashiid janan uga baxsaday xabsiga iyo cida u fududeysay inuu doon ka raaco magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.