C/rashiid Janan oo oo dhoola-tus ka wada Beledxaawo

1521

Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa muddo kadib dib ugu soo laabtay xerada Banyooley oo ka tirsan degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo, gaar ahaan xuduudda Kenya, kadib markii uu safar muddo ugu maqnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Warar ayaa sheegaya in Janan uu la yimid hub iyo lacag islamarkaana uu dhaq-dhaqaaqyo ka billaabay gobalka Gedo.

Ugu yaraan 100 qori oo AK47 ah, rasaas farabadan iyo mushaarka muddo saddex ilaa laba bil ah ayaa la sheegay in laga soo siiyay Nairobi, waxa uuna dhaq dhaqaaq kawadaa aagga dagaal ee Beladxaawo.

Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay inay ka war qabaan dhaq dhaqaaq ciidan ee wasiir Janan islamarkaana ay diyaar u yihiin wax ay ugu yareen is-difaac.

Dadka degaanka ayaa ka cabsi qaba in markale gobalka ka dhacdo dagaal muddo bilo ah ay daganaansho ka jirtay kadib. Jubbaland ayaa dowladda Soomaaliya kal hore ku eedeysay in gobalka ay ka wado xasiloonin darro amni iyo mid siyaasadeed.