C/Rashiid Xidig Oo mar kale loodoortay Xildhibaan

952

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa soo gaba gabeeyey tirinta cododka doorashada kursiga tirsigiisu yahay #HOP 072, oo ay ku tartamayeen  C/rashiid Maxamed Xidig iyo C/samad Maxamed C/laahi.

Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaana ku guuleystay kursiga HOP 072 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wuxuu helay 75 cod, halka Cabdisamed Maxamed Cabdullaahi oo la tartamayey uu helay 18 cod, waxaana xumaaday 2 cod.

Wali waxaa socota doorashada 5 kursi oo manta lagu dooranayo Kismaayo, waxaana xarunta doorashada ku sugan musharixiinta iyo Ergada dooranaysa.