C/raxmaan C/shakuur oo laga reebay Khudbadaha Xaflada Caleema saarka, kaddib shuruud…

1607

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur laga reebay Khudbadaha Xafladda caleema saarka Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ee caawa dhaceysa.

Sida wararku sheegayaan arrintan ayaa ka dambeysay, kaddib markii Madaxtooyada Soomaaliya ay dalbatay in aan wax khudbad ah la siin C/raxmaan C/shakuur.

Ilo ku dhow dhow C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegaya in sababta looga reebay khudbadaha ay ka dambeysay shuruud Madaxtooyada Villa Soomaaliya wadatay oo ahaa in laga joojiyo khudbada C/raxmaan C/shakuur.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu xalay u yeeray C/raxmaan C/shakuur, isla markaana ka codsaday inuu ogolaado in aan wax khudbad ah laga siin Xaflada caawa.

C/raxmaan C/shakuur ayaa markii dambe ogolaaday codsiga Madaxweyne Saciid Deni, isagoo ka qeyb galaya kaliya xaflada caleema saarka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Madaxweynaha cusub ee Puntland uu ka codsaday Madaxda dowlad goboleedyada in aysan soo hadal qaadin khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Arrintan ayaa noqotay hadal heynta ugu badan ee Garowe, gaar ahaan Madaxda kala aragti duwan ee ku sugan magaalada, waxaana khudbadahooda aheyd mid si gaar ah isha loogu hayay.