C/Xakiin Xaaji Cumar (Camey)oo loomagacaabay safirka somaliya ee Itoobiya

1609

Sida ay Wardoon.net u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay dowlada Somalia ayaa danjireyaal cusub u magacowday dalalka Itoobiya iyo Maraykanka.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland C/Xakiin Xaaji Cumar (Camey) oo dhowaan golaha Wasiiradu isku raaceen inuu noqdo safiir ayaa waxaa loo magacaabay danjiraha cusub ee Somalia u fadhiya dalka Itoobiya iyo xarunta Midowga Afrika ee Addis ababa.

Camey ayaa bedelaya danjirihii Somalia u fadhiyey dalka Itoobiya Cali Shariif Axmed oo isna loo wareejiyey inuu noqdo danjiraha cusub ee Somalia u fadhiya Magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka.

Danjire Cali Shariif ayaa buuxinaya booska danjiraha Somalia ee Maraykanka oo banaanaa in muddo ah markii danjirihii halkaas fadhiyey Axmed Ciise Cawad loo magacaabay Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia ku dhowaad sanad ka hor, xilkaasoo uu illaa hadda hayo.