Caasimada Amxaarada Bahirdar oo la duqeeyey

1267

Wararkii ugu dambeeyey ee aannu ka helayno gobolka Amxaarada ee Itoobiya ayaa sheegaya in gantaalo lagu garaacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahirdar xilli uu dagaal ka socda gobolka Tigray, sida ay ku warrantay warbaahinta gobolka Amxaarada.

Warbaahinta gobolka waxay ku warrantay in gantaallada ay soo tureen dagaalyahanada TPLF, mana jiraan warar madax banaan oo ilaa hadda laga helayo goobha la duqeeyey.

Arrintaan ayaa waxa ay noqonaysaa markii labaad oo gantaallo lala beegsado Bahirdar tan iyo markii labo toddobaad ka hordagaaladu ka qarxeen gobolka Tigreega ee wadanka Itoobiya.

TPLF waxay ku eedeysay dowladda Itoobiya inay duqeyneyso goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah ee dhaca caasimadda Mekelle balse dowladda ayaa beenisay eedeymahaas.