Cabdi Ibraahim Warsame oo noqday xildhibaankii ugu horeyay ee lagu doorto Garoowe

1014

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta ka bilaabatay doorashada kuraas ka mid xubnaha Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya Puntland, iyada oo goordhow la doortay xildhibaankii ugu horreeyey.

Cabdi Ibraahim Warsame ayaa ku guuleystay doorashada kursiga koowaad ee HOP196 oo la qabtay doorashadiisa, wuxuuna la tartamay musharrax uu isagu keensaday.

Guusha Cabdi Ibraahim ayaa aheyd mid horey loo sii oogaa, maadaama si gaar ah loogu xiray kursigan oo ka mid ah kuraasta maanta loo qorsheeyey in la qabto doorashadooda.

Xildhibaan Cabdi Warsame ayaa haatan ahaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda maamulka Puntland, wuxuuna ka mid yahay xubnaha aadka ugu dhow Saciid Deni.

Doorashada ayaa sii socota waxaa la guda-galayaa afarta kursi ee xigta ee loo qorsheeyey in maanta doorashadooda lagu qabto magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Sidoo kale xubnaha ee la sii ogyahay inay soo baxayaan waxaa ka mid ah Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Soomaaliya, Cabdullaahi Xasan Rooble oo ah wasiru-dowlaha waxbarashada Puntland, Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ah xildhibaan heer Federaal ah, sidoo kalena Xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay Puntland iyo Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ah xildhibaan iyo wasiir heer federaal ah.

Tartanka ayaa waxaa horey laga reebay musharixiintii saameynta lahaa ee qeyb-ta ka ahaa loolanka loogu jiro doorashada, kuwaas oo ay ku jiraan wasiiro ka tirsan dowladda, sida wasiirka duulista hawada Soomaaliya oo dhowaan eedeyn culus u jeediyey maamulkaasi

Si kastaba, cabashada kasoo yeereysa doorashada iyo in aysan waxba iska beddalin sidii hore ayaa waxa ay meesha ka saareysaa dhaqan-gelinta qodobadii ku jiray heshiiskii siyaasadeed ee ay dhowaan magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran