Cabdi Qeybdiid Oo Mar Kale Senator Aqalka Sare Loogu Doortay

1330

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid u doortay inuu noqdo Senatar ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka doorashado goordhaweyd ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka.

Xildhibaanada Galmudug ayaa Cod gacan taag ah ku doortay Cabdi Qeybdiid oo mar kale kamid noqday Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartamayey ee Cawil Nuur Cali.

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa helay 83 Cod looguna codeeyay Cod gacan taag ah, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal oo ka hadlay madasha doorashada ka socotay.

Waxaa goordhow la guda geli doonaa doorashada kursiga ugu dambeeya ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka, kuna harsan dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana ku tartamaya Musharaxiinta kala ah Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.