Cabdi Xaanshi oo beesha caalamka kudacweeyay Farmaajo

1385

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Qoraal ka dhan ah Guddiyada Doorashooyinka u diray beesha caalamka gaar ahaan Wakiilka QM eeArrimaha Soomaaliya Amb, James Swan, Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Amb, Francisco Madera.

Guddoomiye Xaanshi ayaa sheegay in xiligan dalka uu ku jiro waqti kala guur ah oo la galayo doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal si ay xor iyo xalaal ugu dhacaan, hasse ahaatee uu ka digayo in doorashooyinka Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka kasoo galaya Gobolada Waqooyi ay faragelin ku sameeyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Hay’adda NISA Cabdi Xaashi Cadillaahi.

Qoraalka Cabdi Xaanshi iyo dacwada uu u diray beesha caalamka ayaa imanaya xili ay cirka isku shareertay doodda ka dhanka ah Guddiyada Doorashooyinka oo dhinacayada siyaasadda intooda badan ku tilmaamayaan kuwo aan lagu kalsoonaan karin.

Hoos ka akhriso Qoraalka