Cabdi Xaashi oo markale diiday Guddiga Doorashada Xildhibaanada BFS Ee Somaliland

1230

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ka soo horjeestay guddiga doorashada ee heer federaal ku metalaya gobollada waqooyi ama Somaliland.

Qoraal uu soo saaray Cabdi Xaashi ayaa waxa uu ku sheegay in magacaabista guddigaas aan lagala tashan odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee dalka.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in ballantu ay aheyd in guddi hoosaadkan ay soo dhistaan siyaasiyiinta gobollada waqooyi, balse meesha laga saaray arrintaasi, isaga oo hoosta ka xariiqay in guddigan ay soo magacaabeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale ku eedeeyey madaxda dowladda federaalka inay bedaleen dhaqankii siyaasadeed ee lagu wada joogay, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadaba waxaan Golaha wadatashiga, daneeyayaasha Siyaasada iyo Beesha Caalamkaba u sheegeeneynaa in Madaxda talada heysa ay bedeleen dhaqankii Siyaasadeed ee lagu wada joogay, waxna lagu qeybsan jiray, isla markaana markii xiligaan oo kale la joogo lagu soo xuli jiray Guddiyada maamulaya doorashooyinka oo la rabay inay noqdaan kuwo dhex u ah daneeyayaasha Siyaasadda oo dhinac gaar ah soo xulan,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa intaasi ku daray in aan lagu kalsoonaan karin xubnaha guddiga lagu dhowaaqay, isaga oo xusay in badi aysan garaneyn meel laga keenay, halka qaarna ay ka tirsan yihiin shaqaalaha madaxtooyada, xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo NISA.

Ugu dambeyn guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi oo qoraalkan ogeysiiyey dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka, musharraxiinta kuraasta baarlamaanka iyo beesha caalamka ayaa dalbaday in dib loogu soo celiyo talada iyo soo xulida xubnaha gobollada waqooyi ama Somaliland ku metalaya doorashooyinka soo socda ee 2020 illaa 2021-ka.