Cabdi Xaashi oo soosaaray warqad kacaraysiisay Framaajo

1592

Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo saaray hab-raaca doorashada Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada waqooyi ee loo yaqaano Soomaaliland loo raaco habraacii lagu galay Doorashadii sanadkii 2016 kii.

Nuqul qoraal ah oo la ogaysiiyey, Madaxwyene Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu horrayn dhinacyada loogu mahadceliyey dhinacyadu kaalintii ay ka qaateen hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in shirkii looga hadlayey arrimaha doorashada aysan ka qaybgeli siyaasiyiin matalaysa deegaamada Waqooyi ee Soomaaliya ayna ahayd in la siiyo matalaad rasmi ah.

Dhanka kalena, guddoomiyaha aqalka sare ayaa sheegay inay tahay mid aan la aqbali Karin in guddiga maamulaya doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi ay xukuumadda Soomaaliya soo dhisto taasina ay wax u dhimayso doorasho xor ah.

HOOS KA AKRHISO