Cabdirashiid Xidig oo isna loo doortay in Madaxweynaha Jubbaland

1544

Baarlamaanka Isbadal doonka ee Jubbaland ayaa goordhaw doorasho ay ku qabteen magaalada Kismaayo waxa ay Madaxweynaha maamulka Jubbaland ugu doorteen Cabdirashiid Maxamed Xidig .

Doorashadan oon si toos ah loo daawaneyn ayaa Xildhibaanada isbadal doonka ah ugu codeeyeen in Madaxweynaha Jubbaland uu noqdo Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ahaa musharaxiinta kasoo horjeeday dib u doorashada Axmed Madoobe.

Doorashadan ayaa soo dhamaatay kahor inta aan la shaacin natiijada doorasho kale oo isna ku guuleestay Sheekh Axmed Madoobe oo horey loo filayay in uu isna kusoo baxayo doorashadan.

Magaalada Kismaayo ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu doortay labo Madaxweyne uu yeelanayo maamulka Jubbaland, lamana oga sida uu ku dambeyn doonto xaalada magaalada Kismaayo oo maanta lagu doortay labo Madaxweyne oo isdiidan.