Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay ciidamada gurigiisa hareerayay

1797


Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in sababta dowladda ay maanta wadooyinka u xirtay ay tahay inay ka hortagto xus loo dhigayo askartii lagu dilay weerarkii lagu qaaday Xarunta Xisbiga wadajir 17-kii Bishii December ee sanadkii 2017.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban so dhigay bartiisa facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in sanadkii labaad ay dowladda isku dayeyso inay ka hortagto xuska 17 December, waxaana uu dowladda ugu baaqay inay Shacabka wadooyinka u furto.

Marka laga soo tago qoraalka Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay jiray hadal-heyn ku saabsan in Magaalada muqdsho laga cabsi qabo inay ka dhacaan banaanbaxyo iska soo horjeedo oo mid lagu taageerayo dowladda midna xubnaha mucaaradka ay abaabulayaan.

Hoos Ka Akhriso qoraalka C/raxmaan Cabdi Shakuur

Waa sanadkii labaad oo shacabka Muqdisho wadooyinka laga xiro, iyadoo laga hortegayo xuska 17 December. Waxaa ciidan lagu dhigay goob kasta oo lagu tuhmayo in xuska lagu qabanayo, wada kastana waa la xiray. Madaxweyne Farmaajo isaga ayaa amray xasuuqa, islamarkaana diidan xusuusta baroordiiqa. Xusku wuu dhacayaa ee Madaxweyne shacabka wadooyinka u fur.