Cabdiraxmaan Maadey oo loodoortay Gudoomiyaha ONLF-SAWIRRO

2084

Ururka ONLF oo mudo badan dagaalo kula soo jiray dowlada Itoobiya ayaa markii ugu horeesay taariikhda shirweyne ay ku qabsadeen gudaha Itoobiya waxa ay ku doorteen Gudoomiye cusub.

Doorasho xalay ka dhacday magaalada Godey ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu doortay Gudoomiyaha cusub ee Ururka ONLF , waxaana codadka dhiibanayay xubnaha ururka oo meelo kala duwan isaga kala yimid.

Guddoomiyaha cusub ee Ururka ONLF ayaa loo doortay C/raxmaan Maxamed Sheekh Maadeey, oo helay codad gaaraya 340 cod, halka ninkii la tartamayay oo lagu magacaabo Axmed Yaasiin uu isna helay 251 cod.

Ururka ONLF oo horey dagaal ugula jirtay xukuumadihii kala duwanaa ee Itoobiya ayaa heshiis la galay Xukuumada uu hogaamiyo Abiy Axmed, waxaana ururkan laga saaray Liiska argagaxiada iyagoona dhankooda iska dhigay hubka.